HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa weerar xalay ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka...

Faah faahin kasoo baxeysa weerar xalay ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka Banaadir

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ku qaaday Xarunta degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad socday daqiiqado. Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in mar qura aaga Xarunta Hiliwaa laga maqlay jug xoogan oo […]

- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rag hubeysan oo fiidnimadii xalay weerar loo adeegsaday Bam nooca gacanta laga tuuro ku qaaday Xarunta degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib dhacay iska horimaad socday daqiiqado.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in mar qura aaga Xarunta Hiliwaa laga maqlay jug xoogan oo aheyd Bam lagu weeraray Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xarunta, kadibna ay israsaaseyn dhexmartay ragga weerarka soo qaaday iyo Ciidamada.

- Advertisement -

Iska horimaadka ayaa socday daqiiqado kooban, isla markaana waxaa markii dambe goobta isaga baxsaday raggii weerarka kusoo qaaday Xarunta degmada oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyadoo xaaladda caadi kusoo laabatay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ku bilowday Bamba iyo iska horimaadka ka dhacay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmadaas iyo Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa dhawaan weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaaday Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarada ka dhashay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray dhismayaal.

Latest stories