HomeWararDowladda Soomaaliya oo qabatay Shir looga hadlaayay joojinta dhoofinta Dhuxusha

Dowladda Soomaaliya oo qabatay Shir looga hadlaayay joojinta dhoofinta Dhuxusha

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowladda Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay joojinta dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo dalka iyo waxyeeleynta degaanka oo ay ka qeyb galeen dowlado iyo Qaramada Midoobay ku qabatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa marti galisay shirkaan oo ay ka qeyb galeen Dalalka Iskaashiga Gacanka Carabta, Bariga Afrika iyo […]

- Advertisement -

Dowladda Soomaaliya ayaa kulan looga hadlay joojinta dhuxusha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo dalka iyo waxyeeleynta degaanka oo ay ka qeyb galeen dowlado iyo Qaramada Midoobay ku qabatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa marti galisay shirkaan oo ay ka qeyb galeen Dalalka Iskaashiga Gacanka Carabta, Bariga Afrika iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan horumarinta iyo degaanka.

- Advertisement -

Mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbado ka jeediyay madasha Shirkaan ka qabsoomay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoona sheegay inay sharci darro tahay jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dhammaan dalalkii kasoo qeyb galay shirkaan ay qaaxeen muhiimada ay leedahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii loo joojin lahaa dhuxusha oo halis ku ah Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxda ka qeyb galay Shirka ayaa tilmaamay in waxyaabaha keena Isbedelka cimilada ay qeyb tahay dhirta oo la jaro, isdoo kalena ay arrintaas waxyeelo u geystan garto deegaanka.

- Advertisement -

Si kastaba dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah looga dhoofiyo dhuxusha, iyadoona horay dowladda iyo Qaramada Midoobey ay u mamnuuceen dhoofinta dhuxusha, kuna tilmaamay arrintaas mid sharci darro ah.

Latest stories