HomeWararShir looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Guriceel oo qabsoomay

Shir looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Guriceel oo qabsoomay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Shir looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay Magaaladaas, Shirka ayaa waxaa uu yahay mid todobaadle ah oo mar lagu qabto Guriceel. Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa, looga xoojin lahaa amniga Magaalada Guriceel iyo deegaanada hoostega, si looga hortego wax […]

- Advertisement -

Shir looga hadlaayay Ammaanka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay Magaaladaas, Shirka ayaa waxaa uu yahay mid todobaadle ah oo mar lagu qabto Guriceel.

Shirkaan ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa, looga xoojin lahaa amniga Magaalada Guriceel iyo deegaanada hoostega, si looga hortego wax kasta oo amni darro u keeni kara Magaaladaas.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidamada Booliska Galmudug iyo kuwa Haramcad ee dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada ayaa Shirka looga dhageystay Warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga Guriceel iyo deegaanada hoostega.

Taliyaha Booliska Guriceel Cismaan Cali Hudey oo la hadlay warbaahinta markii uu Shirka soo dhammaaday ayaa sheegay inay garab taaganyihiin Taliyeyaasha Ciidamada qeybahooda kala duwan, waxa uuna tilmaamay inay Saraakiisha is la qateen in laga hortago wax walba oo wax u dhibaya xasiloonida degaanka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay Taliska Booliska degmada Guriceel,  Nabadsugidda,  Saraakiisha Ciidanka Haramcad, Ciidamada qeybta 21-aad gaar ahaan  Guutada 15-aad, Taliska Gorgor iyo kuwa Daraawishta Galmudug.

Latest stories