HomeWararSheekh Shariif oo Lacag farabadan ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Sheekh Shariif oo Lacag farabadan ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS. Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaarta baahsan ee ka jira deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada iyo saameynta ay ku […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay
Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaarta baahsan ee ka jira deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa waxaa uu Guddiga gurmadka ku wareejiyay lacag dhan 20 kun oo dollar oo uu uga qeyb qaadanayno dadaalada loogu Gurmanayo dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay ee kunool qeybo kamid ah dalka.

“Bulshada Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan dadka wax haysta” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay.

Wuxuu intaas kusii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya “Waxaan sidookale soo jeedinayaa in la badiyo Alle bariga iyo salaadda si ilaah nooga dulqaado abaarahan iyo colaadaha”. Xukuumadda ayaa wada dadaalo gurmadyo loogu sameeynayo dadka ay Abaarta saameeysay.

Latest stories