HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii Banaadiriga ee Maanta dhacday

Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray Doorashadii Banaadiriga ee Maanta dhacday

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi  horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo

- Advertisement -

Wuxuu u mahadceliyay Guddiyadii doorashada maamulay ee Guddiyada Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwii Banaadiriga, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay ee laga xiray waddooyinka qaar ee Muqdisho

“Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi  horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi” ayuu yiri RW Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajeeyay in doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.

Latest stories