HomeWararGolaha Wadatashiga oo muddo kordhin u sameeyay Waqtiga gaba-gabada Doorashada

Golaha Wadatashiga oo muddo kordhin u sameeyay Waqtiga gaba-gabada Doorashada

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay shir ku yeeshay aalada ZOOM-ka. Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, muddo deynta doorashada iyo xal u helida deegaan doorashada labaad Maamulka Jubbaland […]

- Advertisement -

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay shir ku yeeshay aalada ZOOM-ka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrinsaday xaaladihii ugu dambeeyay ee doorashada Golaha Shacabka, muddo deynta doorashada iyo xal u helida deegaan doorashada labaad Maamulka Jubbaland ee Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

- Advertisement -

Madaxda ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in waqtigii lagu heshiiyay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeyn waayay doorashada, iyagoona xusay in arrintaas ay caqabad u keentay xiisado ka jiray maamulada qaar iyo Abaaro baahsan oo jira.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa xalay mar kale isku raacay in doorashada Golaha Shacabka lagu dhammeeyo 15-ka bisha soo socota ee Maarso, xili Maanta ay ku egtahay waqtigii hore loogu qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada socota.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay in Ra’iisul Wasaare Rooble oo la tashanaya Madaxweyne Axmed Madoobe uu Guddi u diro Magaalada Garbahaareey, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda Garbahaareey oo lagu qabanayo doorashada, sidoo kalena Golaha wuxuu walaac ka muujiyey Abaaraha dalka ka jira.

- Advertisement -

Maanta oo Jimco oo ku beegsan 25-ka Febraayo 2022 ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka, xili doorashada ay ka harsan yihiin in ka badan 100 Xildhibaan oo weli la dooran, waxaana sidaasi ku dhaqan geliyay Jadwalkii lagu heshiiyay…

Latest stories