HomeWararXubin ka tirsan Guddiga Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo is Casilay + sababta

Xubin ka tirsan Guddiga Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo is Casilay + sababta

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Cabdalla Cumar Saalax oo ka tirsanaa Guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii Guddigaas, isagoo eedeyn u jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Cabdalla Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu isaga soo baxay Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, isla markaana sheegay in fara-gelin lagu haayo doorashada […]

- Advertisement -

Cabdalla Cumar Saalax oo ka tirsanaa Guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii Guddigaas, isagoo eedeyn u jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdalla Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu isaga soo baxay Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga, isla markaana sheegay in fara-gelin lagu haayo doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka.

- Advertisement -

Wuxuu Cabdalla Cumar ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu la wareegay Go’aan kasta oo qaadan lahaa Guddiga, isla markaana Guddiga doorashada Banaadiriga laga xukumayo Xafiiska Maxamed Xuseen Rooble, taasina ay tahay Cadaalad darro oo jirta.

Sidoo kale Cabdalla Cumar Saalax ayaa tilmaamay inuu isaga baxay Guddigii uu tirsanaa oo aan waxba laga weydiin doonin doorashada, wuxuuna Carabka ku dhuftay inuu ka xun yahay fara-gelinta uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku haayo doorashada.

Tallaabada uu isku Casilay Cabdalla Cumar  ayaa kusoo aaday, iyada oo xalay Guddiga doorashooyinka heer Federaal uu shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Golaha Shacabka Banaadiriga, lana fasaxay qabashada doorashada.

Latest stories