HomeWararXal laga gaaray Khilaafkii ka dhashay Doorashada Golaha Shacabka ee Banaadiriga

Xal laga gaaray Khilaafkii ka dhashay Doorashada Golaha Shacabka ee Banaadiriga

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taasi oo maalmo kahor dib u dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu sheegay in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta u xil-saaray xallinta khilaafkii ka […]

- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaciyay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taasi oo maalmo kahor dib u dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu sheegay in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas qaarkood oo la isku qabsaday.

- Advertisement -

Guddiga ayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo iyo daneeyeyaasha doorashada dalka ku wargeliyay in la fasaxay qabashada doorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Banaadiriga, isla markaana Guddiga looga baahan yahay inay bilaabaan diiwaan-gelinta Musharaxiinta.

“Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal wuxuu halkan ku shaacinayaa in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaruhu u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas. Sidaas awgeed waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha doorashada ku wargelinaynaa in la fasaxay qabashada doorashadooda, diiwaangelintuna ay billaabanayso” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor hakiyey qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga, kadib markii cabasho u gudbiyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kursi ka tirsan kuraasta Banaadiriga, waxaana doorashada lagu waday inay qabsoonto 21-kii bishaan Febraayo.

Latest stories