HomeWararMuxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM?

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM?

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha  Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa. Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha abaaraha dalka iyo gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay ee kunool […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha  Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Adam Cabdulmowlaa ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yihiin Arrimaha abaaraha dalka iyo gurmadka la gaarsiinayo dadka abaartu saameysay ee kunool deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

- Advertisement -

Waxaa kaloo kulanka looga arrinsaday inta uu socday isu duwidda dadaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee Gargaarka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadka ay abaarta ku saameeysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka, waxaana Xukuumadda ay Codsiyo la xiriira u gurmadasha dadka Soomaalida u dirtay Beesha Caalamka.

Latest stories