HomeWararMareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn cusub uu ka fuliyay gudaha Somalia

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn cusub uu ka fuliyay gudaha Somalia

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliska ciidmada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiay in iyaga oo kaashanaya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen Ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley 22-kii bishan. “Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee Taliska ayaa […]

- Advertisement -

Taliska ciidmada Mareykanka ee AFRICOM ayaa xaqiijiay in iyaga oo kaashanaya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeen weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen Ciidamo huwanta ah meel u dhow deegaanka Dudubley 22-kii bishan.

“Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee Taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed uu soo saaray taliska AFRICOM.

- Advertisement -

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Maraykanka loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya ee la howlgala kuwa Mareykanka sida uu dhigayo oggolaashihii Isticmaalka Ciidanka Milatariga Mareykanka ee 2001.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay Al-Shabaab si joogto ah u geysato dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka AFRICOM.

AFRICOM ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Latest stories