HomeWararMaamulka Jubbaland oo ka Warbixiyey howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Maamulka Jubbaland oo ka Warbixiyey howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo. Ugu horayn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Kismaayo, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Ugu horayn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Kismaayo, isla markaana lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

- Advertisement -

Wasaarada amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha ammaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, wasaaradu waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame lagu dilay lix katirsan Al-shabaab ah sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah.

Sidoo kale golahu wuxuu ansixiyay siyaasada nashqadaynta guryaha Jubbaland oo ay kamid yihiin dhismaha guryo tayo leh oo loo dhisayo dadka gudaha ku barakacay iyo dadka kasoo noqonaya xeryaha qoxootiga dhadhaab.

Latest stories