HomeWararGolaha Ammaanka ee Q/Midoobey oo kulan Deg-deg ka leh xiisada Ukraine iyo...

Golaha Ammaanka ee Q/Midoobey oo kulan Deg-deg ka leh xiisada Ukraine iyo Ruushka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan degdeg ah oo ah kii labaad ee la qabto muddo saddex cisho gudahood ah ka yeelanaya qalalaasaha ka dhex aloosan Ukraine iyo Ruushka, waxaana ilo dublumaasiyadeed ay sheegeen in kulankan loo qabanayo dhaqdhaqaaqyada militari ee gudaha dalkaasi ku soo kordhay. Kulankan oo ay codsatay Kyiv gelinkii hore ee Arbacadii […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee QM ayaa kulan degdeg ah oo ah kii labaad ee la qabto muddo saddex cisho gudahood ah ka yeelanaya qalalaasaha ka dhex aloosan Ukraine iyo Ruushka, waxaana ilo dublumaasiyadeed ay sheegeen in kulankan loo qabanayo dhaqdhaqaaqyada militari ee gudaha dalkaasi ku soo kordhay.

Kulankan oo ay codsatay Kyiv gelinkii hore ee Arbacadii shalay ayna taageereen xulufadeed reer galbeedka ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa lagu wadaa in la qabto fiidnimada Khamiista maanta ah.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa Arbacadii cunnaqabateyn saaray wasiirka difaaca ee Russia Sergei Shoigu iyo taliyeyaal ka tirsan militariga, taasi oo looga jawaabayo aqqoonsigii Kremlin-ka u uku ictiraafay in laba gobol gobol oo ka tirsan Ukraine ay yihiin jamhuuriyado madax banaan.

Midowga Yurub oo ka kooban 27 dal ayaa hantidooda xannibay iyo dal ku galkana ka mamnucay saraakiil sarsare oo ay ka mid yihiin taliyayaasha ciidamada sida taliyaha Ciidamada, kan ciidanka badda, iyo taliyaha ciidamada cirka, Agaasimaha Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi looga arrimiyo, madaxa TV-ga qaranka ee RT iyo Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda, sida lagu sheegay hadal rasmi ah oo lagu daabacay wargeyska rasmiga ah ee Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa liiska madow ku daray 23 qof oo ay ku sheegeen in ay ku lug lahaayeen gardarada militari ee ka dhanka ah Ukraine, iyo qaadashada go’aanno muhiim ah oo ka dhan ah Ukraine iyo dagaal borobogaando ah.

Latest stories