HomeWararCiidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo Qarax lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya duhurnimadii Maanta lagula eegtay agagaarka wadadda Laamiga Warshadaha ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa gaari Tikniko oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya duhurnimadii Maanta lagula eegtay agagaarka wadadda Laamiga Warshadaha ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa gaari Tikniko oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Milateriga uu ku qabsaday Warshada Taraqa iyo Sigaarka, xili halkaas ay socdaal ku marayeen Ciidamada.

- Advertisement -

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo saaray Ciidamada la qarxiyey, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu la yahay khasaaraha.

Ciidamada ayaa qaraxa kadib rasaas xoogan kor u furay, waxaana Ciidamada dhaawacmay qaarkood lasoo saaray gaari, iyagoona halkaas isaga tegay markii dambe, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha dowladda Federaalka oo ku aadan qaraxaas dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkaan ka dhacayay qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena ay dhaceen dilal qorsheysan oo fuliyeen rag hubeysan, waxaana inta badan falalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

Latest stories