HomeWararCiidamada Puntland oo howlgalo ku qabtay Rag looga shakiyey falal amni darro

Ciidamada Puntland oo howlgalo ku qabtay Rag looga shakiyey falal amni darro

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah howlgalo kala duwan ka sameeyay gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas, ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland. Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Booliska ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay rag farabadan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha kasoo horjeeda Puntland, waxaana raggaas […]

- Advertisement -

Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah howlgalo kala duwan ka sameeyay gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas, ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada Booliska ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay rag farabadan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha kasoo horjeeda Puntland, waxaana raggaas la qabtay lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Booliska.

- Advertisement -

Howlgalkan oo ah mid uu hoggaaminayey Taliyaha qaybta Booliska Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ujeedkiisu yahay in lagu baadi goobo kooxaha falalka amni darro wada iyo kuwa ka Ganacsada Mandooriyaha oo xogtooda ay hayeen Ciidanka.

Ciidamada ayaa sido kale baaritaano ku sameynayay qaar ka mida hotelada, guryaha iyo gadiidka noocyadiisa kala duwan ee Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda Maamulka.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Xussen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada faray inay u dhimriyaan Bulshada, isagona sido kale faray ciidanka howlgalka ku jira in aysan wax xabada ridin si xasilooni loo daremo, isla markaana amarkaas ay qaatan ciidamada.

Latest stories