HomeWararAkhriso: Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo la shaaciyay

Akhriso: Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddiga Maamulka doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ayaa xalay shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ay bilaabaneyso 24-ka bishaan Febraayo 2022. Guddiga ayaa shaaca ka […]

- Advertisement -

Guddiga Maamulka doorashooyinka Xildhibaanada Banaadiriga ayaa xalay shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ay bilaabaneyso 24-ka bishaan Febraayo 2022.

- Advertisement -

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka ee shanta kursi ee Banaadiriga ay dhaceyso 25-ka Febraayo oo maalinta berrito ku beegsan, isla markaana doorashada kuraastaas lagu qaban doono Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in xal buuxa laga gaaray khilaafkii ka dhashay doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, taasi oo maalmo kahor dib u dhigay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddiga doorashooyinka ayaa tilmaamay in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas qaarkood oo la isku qabsaday.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo kahor hakiyey qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga, kadib markii cabasho u gudbiyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka kursi ka tirsan kuraasta Banaadiriga, waxaana doorashada lagu waday inay qabsoonto 21-kii bishaan Febraayo.

Latest stories