HomeWararTaliska Booliska Puntland oo Amaro kasoo saaray Ammaanka Magaalada Garoowe

Taliska Booliska Puntland oo Amaro kasoo saaray Ammaanka Magaalada Garoowe

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro cusub oo la xiriira sugida ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland. Taliyaha Gobolka Nugaal Xussen Cali Maxamuud oo shir Jaraa’id qabtay u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aysan wax rasaas ah ku ridin gudaha […]

- Advertisement -

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro cusub oo la xiriira sugida ammaanka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolkaas ahna Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Taliyaha Gobolka Nugaal Xussen Cali Maxamuud oo shir Jaraa’id qabtay u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aysan wax rasaas ah ku ridin gudaha Magaalada Garoowe, isal markaana arrintaas laga mamnuucay laamaha amniga.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Taliyaha inay Caasimadda Maamulka ka wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagula dagaalamayo ragga hubeysan ee ka Ganacsada waxyaabaha maandooriyaha oo uu xusay Taliyaha inay haatan yaraadeen.

Sidoo kale Taliyaha Gobolka Nugaal Xussen Cali Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka, Ganacsada iyo Culimada, ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro, sidoo kalena Digniin u diday dadka guryaha kireeya..

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka ayaa ka qayb galay Shirka Guddiga Amniga Gobolka Nugaal Waxana Shir Guddominayay Gudomiyaha Gobolka, isla markaana Warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo hay’addaha kale ee amniga…

Latest stories