HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Maanta dib ugu soo laabtay Maagalada Muqdisho, isaga oo dhaawac ahaan markii horey loogu qaaday dalka Turkiga. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Afhayeen Macalimuu ka xog-wareystay xaaladdiisa Caafimaad iyo qaabkii dhaqaatiirta dalka Turkiga ugala tacaaleen dhaawaca kasoo gaaray qaraxii Is-miidaaminta […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Maanta dib ugu soo laabtay Maagalada Muqdisho, isaga oo dhaawac ahaan markii horey loogu qaaday dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Afhayeen Macalimuu ka xog-wareystay xaaladdiisa Caafimaad iyo qaabkii dhaqaatiirta dalka Turkiga ugala tacaaleen dhaawaca kasoo gaaray qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 16-kii Janaayo 2022 lagula beegsaday Muqdisho.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa Afhayeen Macallimuu u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sidoo kale farriin mahadnaq ah u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu xusay inuu garab istaag weyn u muujiyey markii uu dhaawacmay.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa 16-kii Janaayo 2022 lala beegsaday qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, waxaana soo gaaray dhaawac, isagoona loo qaaday dalka Turkiga oo xaaladdiisa Caafimaad lagu soo daaweeyay.

Latest stories