HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo Baaq u diray Bulshada Magaalada Kismaayo

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Baaq u diray Bulshada Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8-km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay. Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay, isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8-km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay.

Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay, isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan ee loo heli lahaa shirkad tayo leh oo mashruucan fulisa.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in la samayn doono mashaariic kale oo baaxad leh isla markana Maamulka ay ku tala jirto in wakhti dhow lagu hirgaliyo mashariic muhiim ah balse shirkadaha iyo Wasaaradaha Dowlada ee fulinaya looga baahan yahay hufnaan shaqo oo macno leh.

Waxaa munaasabadan Madaxweynaha kala qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada, maamulka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiinta shirkada fulinaysa mashruucan dhismaha Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Latest stories