HomeWararMacalimuu oo sheegay in uusan weli ka taansulin kursiga Golaha Shacabka ee...

Macalimuu oo sheegay in uusan weli ka taansulin kursiga Golaha Shacabka ee uu doonayo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga markii uu ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday ayaa Maanta isaga oo Caafimaad qaba kusoo laabtay Magaalada Muqdisho. Afhayeen Macalimuu oo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dadka Garoonka kusoo dhaweeyay oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan […]

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo xaalad Caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga markii uu ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday ayaa Maanta isaga oo Caafimaad qaba kusoo laabtay Magaalada Muqdisho.

Afhayeen Macalimuu oo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay dadka Garoonka kusoo dhaweeyay oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Warbaahinta iyo Suxufiyiin badan.

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda ayaa waxaa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuuna sidoo kale farriin mahadnaq ah u diray shacabka Soomaaliyeed ee u soo duceeyay intii uu xanuunsanaa ee laga daaweynayey dhaawacii kasoo gaaray qaraxii 16-ka bishii Janaayo 2022 lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Afhayeenka sheegay inuu garab istaag weyn u muujiyay markii uu dhaawacmay oo uu Amray in dhaawiciisa diyaarad gaar ah loogu qaado dalka Turkiga oo lagu soo daaweeyay, isagoona xusay in qaraxii lala beegsaday uu ahaa mid musiibo ah oo uu Alle ka badbaadiyey.

“Wixii dhacay 16-ka bishii Janaayo waxay aheyd wax musiibo ah Alle ayaa naga badbaadiyey,  قُل لَّن     يُصِيبَنَآ إِلَّا  مَا كَتَبَ  ٱ للَّهُ لَنَا, waxaa xaga Alle kaaga qorneynin kuguma dhici karaan, qadarta Alle ayey aheyd waana ku qanacsanahay Ilaaheyna dembi dhaaf ha iiga dhigo” ayuu yiri Afhayeenka oo u mahadceliyay dhaqaatiirtii xaaladdiisa Caafimaad la tacaashay.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu ayaa sheegay in uusan weli ka tanaasulin kursiga Golaha Shacabka ee uu doonayo, wuxuuna rajeeyay in Beeshiisa iyo Maamulka Hirshabeelle ay fursad usiin doonaan inuu dalka u adeego.

Latest stories