HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Baraawe iyo Maamulka oo...

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Baraawe iyo Maamulka oo ka hadlay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay xaafad ka tirsan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dad ku sugan Baraawe ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga ka tirsan dowladda iyo Wiilka la dilay […]

- Advertisement -

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay xaafad ka tirsan Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad ku sugan Baraawe ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga ka tirsan dowladda iyo Wiilka la dilay uu soo kala dhex galay muran kooban oo sababay inuu caroodo Askariga, kadibna uu rasaas qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Wiilka oo goobta ku dhintay.

- Advertisement -

Magaca Wiilka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed Kenya oo kamid ahaa dhallinyarad kunool Magaalada Baraawe, waxaana durbadii goobta si shaqsi ah uga baxsaday Askariga dowladda ee falkaas dilka ah geystay.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Magaalada Baraawe Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane ayaa xaqiijiyay in shaqsiga dilka u geystay Maxamed Kenya uu yahay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Federaalka ee ku sugan Magaaladaas.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa waxaa uu halkiisa intaas kusii daray in laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgalo ay ku raadinayaan Askariga dilka u geystay Maxamed, isla markaana lasoo qaban doono, si sharciga loo horgeeyo, Baraawe ayaa waxaa horey uga dhacay dilal loo geystay dad shacab ah iyo falal kale oo amni darro ah…

Latest stories