HomeWararDowladda Shiinaha oo Ergey cusub usoo magacaawday Dalal ay ku jirto Soomaaliya

Dowladda Shiinaha oo Ergey cusub usoo magacaawday Dalal ay ku jirto Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing u soo magacawday in uu noqdo ergay uga wakiil noqon doona Geeska Afrika. Wadamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono. Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana […]

- Advertisement -

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing u soo magacawday in uu noqdo ergay uga wakiil noqon doona Geeska Afrika.

Wadamada Geeska Afrika oo ay colaaduhu ka jiraan sida Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

- Advertisement -

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana uu khibrad u leeyahay ka shaqeynta Afrika, Ameerika iyo Oceania,sida ay shaacisy Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa ku dhawaaqay bishii Janaayo mar uu safar ku marayay bariga Afrika in magacaabista noocaan ah la qorsheeyay.

“Shaqadiisu waxay noqon doontaa in uu ka shaqeeyo horumarinta qorshaha nabadeed ee Shiinaha ee gobolka kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu caawiyo wadamada gobolka si ay u helaan xasillooni, horumar iyo barwaaqo mustaqbalka fog,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Latest stories