HomeWararAfhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo Maanta kusoo wajahan Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu yimaado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka imaanaya Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Macalimuu ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu soo dabiibo, kadib markii 16-ka bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 uu ku dhaawacmay Qarax Is-miidaamin […]

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inuu yimaado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoo ka imaanaya Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Macalimuu ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday Turkiga, si xaaladdiisa Caafimaad loogu soo dabiibo, kadib markii 16-ka bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 uu ku dhaawacmay Qarax Is-miidaamin ah oo lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

- Advertisement -

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Macalimuu oo ka jabay gacan iyo lug ayaa laga daaweeyay dhaawacii kasoo gaaray qaraxii lala beegsaday oo firiro kale gaarsiiyay, isagoona muddo ku dhow laba bil ku jiray Isbitaal ku yaalla Magaalada Istanbuul.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Musharax u taagan kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta uu yimaado Magaalada Muqdisho.

Qaba-qaabada soo dhaweynta Afhayeenka Xukuumadda Macalinka ayaa ka socoto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, Suxufiyiin iyo xubno kale.

Latest stories