HomeWararShil khasaaro Dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Shil khasaaro Dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Nugaal

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal. Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen ilaa iyo seddex ruux, waxaana isla goobta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil dhimasho iyo dhaawac dhaliyay oo maanta ka dhacay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari ay saarnaayeen ilaa iyo seddex ruux, waxaana isla goobta ku geeriyooday mid ka mid ah dadkii saarnaa gaariga shilka galay, halka dhaawacyo ay soo gaareen laabda kale.

- Advertisement -

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka baxay magaalada Garoowe ee xarunta Dowalad Goboleedka Puntland, waxaana uu kusii jeeday Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Gaariga oo shilka ku galay laamiga u dhexeeya tuulooyinka Dalsan iyo Xaaji khayr oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaan ilaa hadda la ogayn sababta Rasmiga ah eek a dambeysay Shilkiisa.

Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay haatan baaris ku sameynayaan waxyaabaha sababay in gaarigu rogmado, mana aysan bixin wax faah faahin ah oo ku aaddan shilkaasi khasaaraha dhaliyay.

- Advertisement -

Waddooyinka isku xira magaalooyinka Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilalka noocaas oo kale ah, waxaana horay dhimasho iyo dhaawac ay kaga soo gaareen dad rakaab ah, iyadoo loo aaneeyo qaar ka mid ah waddooyinka oo aad u burbursan.

Latest stories