HomeWararHeshiiskii uu galay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta baaritaan lagu sameynayo

Heshiiskii uu galay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta baaritaan lagu sameynayo

Date:

Related stories

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa xeer ilaaliyaal u magacaabay baarista kiiska wasiirka batroolka oo uu gal dacwadeed ka soo gudbiyay hanti dhawrka guud ee qaranka. Xeer ilaaliyaasha la magaacabay ayaa waxaa ay baaritaanno ku sameyn doonaan heshiiska la saxiixay, kaasi oo hadal hayn farabadan dhaliyay, sidoo kalena ay iska fogeeyeen Xafiiska madaxweynaha iyo kan […]

- Advertisement -

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa xeer ilaaliyaal u magacaabay baarista kiiska wasiirka batroolka oo uu gal dacwadeed ka soo gudbiyay hanti dhawrka guud ee qaranka.

Xeer ilaaliyaasha la magaacabay ayaa waxaa ay baaritaanno ku sameyn doonaan heshiiska la saxiixay, kaasi oo hadal hayn farabadan dhaliyay, sidoo kalena ay iska fogeeyeen Xafiiska madaxweynaha iyo kan Xukuumadda.

- Advertisement -

Xer ilaashiyaha Qaranka ayaa intaa ku daray in xubnaha uu magacaabay ay tallaabi ku habboon heshiiskaasi la sheegay in Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya uu la saxiixday Shirkad.

“Waxaan amray, Xeer-ilaaliyayaalna u magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyada laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Horay Xafiiska Hantidhowrka guud ee qaranka ayaa arrintaan war kaga soo saaray, waxaana uu codsaday in tallaabo laga qaado Wasiirka saxiixday heshiiska.

Latest stories