HomeWararGeneraal Xuud “Muqdisho kuma ihi max-buus, waxaan u joogaa wada hadal”

Generaal Xuud “Muqdisho kuma ihi max-buus, waxaan u joogaa wada hadal”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa mar kale waxaa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle iyo waxyaabaha sababay in uu ka tanaasulo kacdoonkiisii uu kaga soo hor jeeday Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen. Generaal Xuud oo mar kale Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa jeediyay hadal uu kaga hadlay dhinacyo dhowr ah oo […]

- Advertisement -

Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa mar kale waxaa uu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle iyo waxyaabaha sababay in uu ka tanaasulo kacdoonkiisii uu kaga soo hor jeeday Maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Generaal Xuud oo mar kale Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa jeediyay hadal uu kaga hadlay dhinacyo dhowr ah oo quseya xaaladaha Gobolka Hiiraan iyo arrimaha taagan.

- Advertisement -

Waxaa si gaar Ah uga hadlay Qaraxiii Khasaaraha badan dhaliyay ee dhawaan ka dhacay Baladweyne, waxaana uu sheegay in aan la isaga hari doonin, dadka shacabka ah ee lagu laynayo Magaalada Baladweyne.

Sidoo kale waxaa uu ka jawaabay warar dhawaanahaan la isla dhex-marayay oo ku aaddanaa in uu Muqdisho uu Maxbuus ku yahay, waxaana uu sheegay in wararkaasi ay yihiin wax kama jiraan, uuna u joogo wada hadalo markii hore uu u yimid Muqdisho.

Ugu dambeyn waxaa uu intaa ku daray in mowqifkiisii ku aaddanaa kacdoonka ka dhanka ah Maamulka Hirshabeelle uusan waxba iska beddalin, haddana ay diyaar u yihiin wada hadal iyo in xal lagu dhammeeyo is qab-qabsiga ka taagan labada dhinac.

- Advertisement -

Hadalka Xuud ayaa imaanaya, iyadoo Qarax dad badani ay ku naf waayeen uu dhawaan ka dhacay magaalada baladweyne, sidoo kalena Magaalada Baladweyne uu tagay madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle cali Guudlaawe Xuseen, kaasi oo in muddo ah caqabado badi ay ka haysteen sidii uu ku tagi lahaa Gobolka Hiiraan.

Latest stories