HomeWararMadaxweynihii hore ee Soomaaliya oo farriin gaar ah u diray Hay’addaha Ammaanka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo farriin gaar ah u diray Hay’addaha Ammaanka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Sheekh Shariif ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta ee ku dhintay qaraxii lala beegsaday, wuxuuna Alle […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Sheekh Shariif ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii isugu jiray shacabka iyo mas’uuliyiinta ee ku dhintay qaraxii lala beegsaday, wuxuuna Alle Caafimaad uga baryay inuu siiyo dadkii dhaawacmay oo xaaladdooda la dabiibayo.

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay qaraxyada lala beegsado goobaha ay isugu yimaadan bulshada, isagoona laamaha amniga dalka inay xoojiyaan amniga dalka gaar ahaan magaalooyinka ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka.

“Aad baan ugu xumahay qaraxyada argagixisadu la beegsanayaan goobaha bulshada, waxaan ugu baaqayaa hey’adaha Amniga dalka meel walba oo ay joogaan xiligan inay xoojiyaan xaqiijinta Amniga guud ahaan, gaar ahaan magaalooyinka doorashooyinka ka socdaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta..

Inta la xaqiijiyay 13 qof ayaa ku dhintay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Maqaayada Xasan Dhiif ee ku taalla Magaalada Baladweyne, 30 qof kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxa, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyadiisa qaraxaas dhacay…

Latest stories