HomeWararLix kursi oo maanta lagu doortey magaalada Baladweyne

Lix kursi oo maanta lagu doortey magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, oo katirsan maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtey doorashada lix kursi, oo qeyb ka ah kuraasta baarlamaanka Soomaaliya, oo deegaan doorashadoodu ay tahay Balad Weyne. Kan koowaad, ayaa wuxuu ahaa kursiga uu tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo uu ku guuleystay Fahad Yaasiin, oo ah la taliyaha amniga qaranka […]

- Advertisement -

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, oo katirsan maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtey doorashada lix kursi, oo qeyb ka ah kuraasta baarlamaanka Soomaaliya, oo deegaan doorashadoodu ay tahay Balad Weyne.

Kan koowaad, ayaa wuxuu ahaa kursiga uu tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo uu ku guuleystay Fahad Yaasiin, oo ah la taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuu helay 70 cod, iyadoo murashaxii la tartamayey uu helay 24 cod. Kursigan ayaa muddo xileedkii ugu danbeeyey waxaa ku fadhiyey Faarax Cabdulqaadir.

- Advertisement -

Kursiga labaad, oo tirsigiisu yahay HOP015, waxaa ku guuleystay Xiis Xasan Aadan, oo kolkii horaba isaga ku fadhiyey, ka gadaal markii qofkii la tartamayey, oo ah Maryan Xasan Cabdi ay tanaasushay.

Kursiga saddexaad waa HOP008, Maxamed Deeq barre Cumar ,ayaa ku guuleystay, isagoo helay 89 cod.

Kan afraad, waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdullaahi Xasan, oo helay 78 cod. Doorashadan ayaa waxey ku dhacdey nidaam gacan tag ah.

- Advertisement -

Kursiga shanaad, waa #HOP109, waxaa ku guuleystay Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, kaasoo kolkii horaba ku fadhiyey. Wuxuu helay codad gaaraya 92.

Kan u danbeeya, waa kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP074, waxaa ku guuleystay Cabdulkariim Cumar Xuseen, oo helay 98 cod.

Latest stories