HomeWararGuddiga Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashada kursigii uu ku fadhiyey Wasiirka Batroolka

Guddiga Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada Doorashada kursigii uu ku fadhiyey Wasiirka Batroolka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45 oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Baraawe, uuna ku fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed. Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in kusriga tirsigiisu HOP#45 ay dacwad kasoo gudbiyeen saddex xubnood oo uu ku jiro […]

- Advertisement -

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45 oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Baraawe, uuna ku fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in kusriga tirsigiisu HOP#45 ay dacwad kasoo gudbiyeen saddex xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Batroolka, xili kursigaas uu kusoo baxay Maxamuud Axmed Maxamed oo la doortay.

- Advertisement -

Guddiga Khilaafaadka ayaa Guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa Koonfur Galbeed ka dalbaday inay hakiyaan ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45, ayna baaris ku sameeyn doonaan kursiga oo dacwad laga soo gudbiyey.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa horey Go’aano uga gaaray dacwado laga soo gudbiyey kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo la doortay oo ay kusoo baxeen Musharaxiin, kadib baaris Guddiga ku sameeyeen hannaanka loo maray doorashada kuraastaas.

Latest stories