HomeWararFahad Yaasiin “Doorasho Dadban shuban-baa ka horreeya ee haloo adkeeysto”

Fahad Yaasiin “Doorasho Dadban shuban-baa ka horreeya ee haloo adkeeysto”

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo daqiiqo kahor loo doortay Xildhigaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa jeediyey khudbad, kadib guushii uu gaaray. Fahad Yaasiin ayaa marka hore tacsi u diray dadkii isugu jiray shacabka iyo Mas’uuliyiinta ee ku dhintay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay […]

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo daqiiqo kahor loo doortay Xildhigaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ayaa jeediyey khudbad, kadib guushii uu gaaray.

Fahad Yaasiin ayaa marka hore tacsi u diray dadkii isugu jiray shacabka iyo Mas’uuliyiinta ee ku dhintay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne, isagoo Caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay.

- Advertisement -

La-taliyaha amniga Qaranka ayaa u mahadceliyay Guddoonka doorashada Hirshabeelle, Xildhibaanada labada Aqal iyo marti sharaf kale oo ka qeyb galay doorashadii uu kusoo baxay isaga oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 ee Golaha Shacabka.

“Doorasho dadban shuban-baa ka horreeya ee haloo adkeeysto” ayuu yiri Fahad Yaasiin oo soo hadal qaatay maahmaah, wuxuuna intaas kusii daray in kursiga uu ku guuleystay inuu noqo doono mid uu ku Metalo dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

“Kursiga Hop#086 wuxuu noqon doonaa mid matalo Baladweyne, wuxuu noqon doonaa mid matalo Hiiraan, wuxuu noqon doonaa mid matalo Hirshabeelle, wuxuu noqon doonaa mid matalo Soomaali, intaasina looga adeegi doono” ayuu yiri Fahad.

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa horey u hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Latest stories