HomeWararAgaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan...

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Axmed Maxamed Axmed Dhaga-Caleen iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daajir oo ahaa Agaasimihii hore […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ka bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Axmed Maxamed Axmed Dhaga-Caleen iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daajir oo ahaa Agaasimihii hore ee NISA ahna La-taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Doorashada kursiga Hop#086 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Fahad Yaasiin oo helay 70-cod, halka Musharaxii la tartamayey Axmed Maxamed uu isna helay 24 Cod, waxaana doorashada coddeeysay 97 ergo, saddex Codna waa halaawday.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada, iyagoona sheegay inuu kursiga Hop#086 uu kusoo baxay La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin, isagoona kamid noqday Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa horey u hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop#086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, waxaana kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Latest stories