HomeWararWasiir Jamaal oo walaac darran ka muujiyay Ciidanka sugaya Amniga Doorashada Boosaaso

Wasiir Jamaal oo walaac darran ka muujiyay Ciidanka sugaya Amniga Doorashada Boosaaso

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay Doorashada. Wasiir Jamaal oo wareysi siiyay  BBC-da ayaa u sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Boosaaso lagu qabanayo Teendho laga dhisay gudaha Garoonka Magaaladaas, isla markaana arrintaas ay […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doorashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraacyadii lagu heshiiyay Doorashada.

Wasiir Jamaal oo wareysi siiyay  BBC-da ayaa u sheegay in doorashada Golaha Shacabka ee ka dhaceysa Boosaaso lagu qabanayo Teendho laga dhisay gudaha Garoonka Magaaladaas, isla markaana arrintaas ay walaac ka muujinaya sida ay wax u socdaan.

- Advertisement -

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka Qorsheynta in ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka Boosaaso ay ilaalinayaan Ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Amniga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in Ciidanka sugaya amniga doorashada ay yihiin Ciidanka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taageero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaaneyso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah.

Qaar kamid ah Musharrixiinta Golaha Shacabka ee kuraastooda taallo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo shalay War-saxaafadeed soo saaray ayaa walaac ka muujiyay sida loo xulayo Ergada doorashada kuraasta ay doonayaan.

Latest stories