HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo sharci darro ka dhigay heshiiska uu saxiixay Wasiirka...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo sharci darro ka dhigay heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horymid heshiis ku aadan xirmooyin shidaal ah oo uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta C/raahiid Maxamed Axmed Wasiir C/raahiid Maxamed Axmed ayaa saacad kahor bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horymid heshiis ku aadan xirmooyin shidaal ah oo uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta C/raahiid Maxamed Axmed

Wasiir C/raahiid Maxamed Axmed ayaa saacad kahor bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isla markaana uu garab ku siiyay Madaxweyne Farmaajo.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Rooble xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la caddeeyay inuu qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Dhinaca kale War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Latest stories