HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo hakiyey qabashada Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo hakiyey qabashada Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hakiyey qabashada doorashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble ay soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Beelaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hakiyey qabashada doorashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble ay soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga Odayaasha iyo Bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

- Advertisement -

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa magacaabay Guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee (FEIT) iyo xubno kale oo xafiiskiisa kamid ah, si ay arrintan u baaraan warbixinna uga soo gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

“Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga doorashada SEIT ee Banaadiriga inay hakiyaan qabashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, inta laga xalliyo cabashada ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka.

Latest stories