HomeWararMas’uuliyiin iyo Musharaxii Xildhibaan oo ku dhintay Qaraxii Baladweyne (Magacyada)

Mas’uuliyiin iyo Musharaxii Xildhibaan oo ku dhintay Qaraxii Baladweyne (Magacyada)

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Is-miidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay Maqaayad ku taalla bartamaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana jugta qaraxa siweyn looga maqlay xaafaddaha Magaalada. Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku dhex qarxiyey Maqaayad lagu magacaabo Xasan Dhiif, xili ay ku sugnaayeen […]

- Advertisement -

Khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Is-miidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay Maqaayad ku taalla bartamaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana jugta qaraxa siweyn looga maqlay xaafaddaha Magaalada.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ayaa isku dhex qarxiyey Maqaayad lagu magacaabo Xasan Dhiif, xili ay ku sugnaayeen dad farabadan oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Musharaxiin Xildhibaano iyo dad kale.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay ku dhowaad 18 qof ayaa ku dhintay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, halka labaatameeyo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo qaarkood gacanta lagu geeyay Isbitaalka weyn Baladweyne oo Maanta mashquul badan uu ka jiro.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka iyo maareeynta Gobolka Hiiraan Cabdirashiid Sheekh Cali, Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Baladweyne Cabdiraxaam Maxamed Xuseen, Musharax Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abtiyow iyo Musharax Xildhibaan Dayab Qanyare Ibraahim.

Sidoo kale dadka ku naf-waayay qaraxa ayaa waxaa ku jiray Dr Mustaf Rashiid iyo Ustaad Maxamed Macow foodcade oo kamid ahaa macalimiinta aadka looga yaqaanay Baladweyne, waxaana dhammaaday dadkaas mas’uuliyiinta iyo dadka kaleba ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ay ku sugnaayeen goobta uu qaraxu ka dhacay.

- Advertisement -

Waa markii ugu horreysay oo qarax nuucaas ah oo ka dhaco Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan tan iyo markii laguda galay arrimaha doorashada dalka, sidoo kale waxa uu weerarkaan ku soo aadayaa iyadoo aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada.

Latest stories