HomeWararKhasaaro ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay Baladweyne

Khasaaro ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ee Maanta ka dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qara Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiiraan, kaasi oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dad badan. Qaraxaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay Baladweyne ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Maqaayada […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qara Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiiraan, kaasi oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, uuna bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen dad badan.

Qaraxaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay Baladweyne ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Maqaayada Xasan Dhiif oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Magaaladaas, waxaana xiligii uu qaraxu dhacaayay ku sugnaa dadweyne farabadan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray dad isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin oo ku sugnaa maqaayada la qarxiyey, oo la tilmaamay inuu ka socday shir looga hadlaayay Arrimaha doorashada Golaha Shacabka.

Inta la xaqiijiyay ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka tirro kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo durbadii looga cararay Isbitaalka weyn ee Magaalada, si loogu dabiibo xaaladdooda Caafimaad, sidoo kalena uu jiro burbur.

Goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd Maqaayada Xasan Dhiif ayaa aad ugu dhow Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, isla markaana waxaa inta badan halkaas shirar ku yeesha siyaasiyiinta, Xildhibaanada iyo Odayaasha dhaqanka Magaalada.

- Advertisement -

Qaraxaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo Maanta uu Magaaladaas ku wajahan tahay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaajir Daahir oo u sharaxan kursiga tirsigiisu yahay hop85.

Latest stories