HomeWararIMF oo ku hanjabtay inay joojineyso bixinta Mushaaraadka Ciidamada Soomaaliya

IMF oo ku hanjabtay inay joojineyso bixinta Mushaaraadka Ciidamada Soomaaliya

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaaca ka qaaday in haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada ka socota dalka Soomaaliya ay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan Mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya. Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada […]

- Advertisement -

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaaca ka qaaday in haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada ka socota dalka Soomaaliya ay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan Mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada Reuters ayaa u sheegtay in bisha May ee sanadkaan 2022 uu dib kale ku timaado doorashada dalka ay joojinayaan lacagaha taageerada ah.

- Advertisement -

Laura Jaramillo ayaa tilmaamtay in tallaabada ay qaadi doonaan ay saameeyn ballaaran ku yeelan doonto shaqaalaha dowladda Federaalka, uuna Barnaamijka taageerada ah si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub 17-ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa sheegtay inay ku kalsoonaan yihiin in doorashada lagu soo gaba-gabeyn doono waqtigeeda, si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta.

- Advertisement -

“Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta,” ayay tiri. “Ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, waxna ma filaynno.”

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 milyan. .

IMF ayaa sidoo kale xustay inay hakin doonto deyn cafinta Soomaaliya, Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan ama 89% GDP. Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa inay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar.

Latest stories