HomeWararFahad Yaasiin oo Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne

Fahad Yaasiin oo Maanta ku wajahan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaajir Daahir ayaa Maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inuu Maanta qaato shahaadada Musharaxtinimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasi oo doorashadiis lagu […]

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ahna La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaajir Daahir ayaa Maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inuu Maanta qaato shahaadada Musharaxtinimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasi oo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne, sida uu qorshahu yahay.

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ka degay diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan Nabadsugida dowladda, kuwaasi oo ilaalo u ah Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan.

Sidoo kale diyaarado kale oo sidday ergada doorashada kursiga HOP086 ayaa iyaguna gaaray Baladweyne, waxaana la sheegay in ergadaas ay yihiin kuwa doorashada kursigaas oo doorashadiisa Guddiga doorashada heer Federaal hakiyeen, balse Guddiga doorashada Hirshabeelle ay diideen Go’aanka lagu hakiyey doorashada kursiga.

Ammaanka guud ee Magaalada Baladweyne ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaaladaas, lana dhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda..

Latest stories