HomeWararCiidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa...

Ciidanka DANAB iyo kuwa Jubbaland oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Date:

Related stories

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ciidamada kumaandooska DANAB ee xoogga dalka oo ay weheliyaan Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabadsugida ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland. Intii hawlgalku socday ayey ciidamada ku burburiyeen goobo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaank Buur-qaylo, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay […]

- Advertisement -

Ciidamada kumaandooska DANAB ee xoogga dalka oo ay weheliyaan Ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabadsugida ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Intii hawlgalku socday ayey ciidamada ku burburiyeen goobo dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaank Buur-qaylo, sida ay warbaahinta dowladda u sheegeen Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ay fuliyeen Ciidamada.

- Advertisement -

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada DANAB iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa intaas kusii daray in howlgalka Al-shabaab looga dilay afar xubnood oo ka tirsanaa, halka lix kalena dhaawacyo soo gaareen, waa sida hadalka looga dhigay.

Ujeedka howlgalkaan Ciidamada kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Maamulka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaqiijiyo amniga deegaanada Gobolkaas.

Si kastaba Ciidamada Dowladda ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab uga fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Latest stories