HomeWararAgaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo Goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne

Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo Goor dhow gaaray Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyne, Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyay La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan […]

- Advertisement -

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka ambabaxay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyne, Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyay La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

- Advertisement -

Fahad Yaasiin ayaa lagu wadaa inuu Maanta qaato shahaadada Musharaxtinimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasi oo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne, sida uu qorshahu yahay.

Shalay ayaa waxaa Baladweyne gaaray diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Nabadsugida dowladda oo ilaalo ah Fahad, sidoo kalena waxaa halkaas ka degay diyaarado sidday ergada doorashada kursiga HOP086.

Doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaaladaas, waxaana doorashada kuraasta ku jira kursiga uu sharaxan yahay La-taliyaha amniga Qaranka.

Latest stories