HomeWararNin ku eedeysan inuu Jaceylka dartiis Gabar Soomaali ah u dilay oo...

Nin ku eedeysan inuu Jaceylka dartiis Gabar Soomaali ah u dilay oo Maxkamad lasoo taagay

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Waxaa Maanta Maxkamad ku taalla Magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysia lasoo taagay Nin u dhashay Ciraaq oo ku eedeysan dilka gabar Soomaali ah oo toddobaadkan gudihiisa loogu geystay dalkaas. Amal Maxamed Saciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay Malaysia ayaa VOA-da u sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta hore ee kiiska dacwada […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Maxkamad ku taalla Magaalada Kuala Lambur ee waddanka Malaysia lasoo taagay Nin u dhashay Ciraaq oo ku eedeysan dilka gabar Soomaali ah oo toddobaadkan gudihiisa loogu geystay dalkaas.

Amal Maxamed Saciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ku leedahay Malaysia ayaa VOA-da u sheegtay in lasoo gaba-gabeeyay dhageysiga qeybta hore ee kiiska dacwada Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar oo aheyd gabar Soomaali ah.

- Advertisement -

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa sheegtay in 9-ka bisha May Maxkamadeynta Ninka Ciraaqiga ah ee dilay Dahabo Cumar loo gudbin doono Maxkamadda sare ee dalkaas, si ay Go’aan uga gaarto kiiska dilka gabadha.

Dhageysiga Dacwada ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Ehelada gabadha Soomaalida ah ee la dilay, taasi oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar oo Maanta lagu lagu aasi doono qabuuro ku yaalla Magaalada Kuala Lambur.

Nin u dhashay dalka Ciraaq kuna noolaa dalka Malaysia ayaa dilay gabarta Soomaaliyeed Dahabo Cumar, kaddib markii gabadha ay ninkaasi ka diiday xiriir jaceyl iyo mid guur uu usoo bandhigtay, iyagoona iskala shaqeyn jiray hal goob oo maqaayad ah.

Latest stories