HomeWararGuudlaawe oo Guddi baaris u magacaabay dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne

Guudlaawe oo Guddi baaris u magacaabay dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Baladweyne

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xalay Magacaabay Guddi baaris ku sameeya dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Maxamed Xueen Maxamuud( Duurdege). Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Guddiga baarista kusoo sameeyn doona dilka Taliyihii Saldhiga Baladweyne oo ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidanka Haramcad iyo kuwa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xalay Magacaabay Guddi baaris ku sameeya dilka Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Marxuum Maxamed Xueen Maxamuud( Duurdege).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Guddiga baarista kusoo sameeyn doona dilka Taliyihii Saldhiga Baladweyne oo ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidanka Haramcad iyo kuwa Booliska Hirshabeelle.

- Advertisement -

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay ku-xigeenka Xeer ilaaliyada guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta 27-aad Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga oo laga dhigay Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan.

Xubnaha kale ee Guddigaan ayaa waxaa kamid ah:

Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan

- Advertisement -

Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay, Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga

Colaad Cabdullaahi Dalabey, Taliyaha Nabadsugida Gobolka Hiiraan

Muuse Salaad Wehliye

Xuseen Axmed Maxamed

Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne Lxle Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa ku dhintay dagaal shalay subax Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran iyo kuwa Booliska Maamulka ku dhexmaray Saldhhiga Booliska Magaaladaas

Latest stories