HomeWararGuddiga Doorashooyinka Federaalka oo Amray in la hakiyo Doorashada kuriga HOP086

Guddiga Doorashooyinka Federaalka oo Amray in la hakiyo Doorashada kuriga HOP086

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa saqdii dhexe ee xalay hakiyey qabashada tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, uuna haatan u sharaxan yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Federaalka, uuna ku saxiixnaa Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga […]

- Advertisement -

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa saqdii dhexe ee xalay hakiyey qabashada tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir, uuna haatan u sharaxan yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada Federaalka, uuna ku saxiixnaa Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga ay soo gaareen cabashooyin ka yimid Odayaasha iyo Nabaddoonada leh kursiga tirsigiisu yahay HOP086.

- Advertisement -

Guddiga doorashada ayaa Guddiyada doorashada Hirshabeelle iyo kuwa Xallinta  Khilaafaadka ka dalbaday inay hakiyaan qabashada doorashada kursiga HOP086, inta laga xallinayo cabashada ay  soo gudbiyeen Odayaasha iyo Nabaddoonada.

Intaas kadib Bogga Facebook ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa laga saaray Waqadii lagu Amrayey in lagu hakiyo kursiga tirsigiisu yahay HOP086 ee uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaa Baarlamaankii 10-aad.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP086 ayaa waxaa deegaan doorashadiisa tahay Magaalada Baladweyne  ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana u sharaxan Fahad Yaasiin, iyadoona shalay la soo saaray Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada kursigaas oo uu doonayo La-taliyaha amniga Qaranka.

- Advertisement -

Latest stories