HomeWararGuddiga Doorashada oo caddeeyay in Doorashada aan loo joojin doonin Arrinta Garbahaarey

Guddiga Doorashada oo caddeeyay in Doorashada aan loo joojin doonin Arrinta Garbahaarey

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Afhayeenka Guddiga doorashada heer Federaal Axmed Aadan Safiina oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in haddii kooramka Golaha Shacabka buuxsamo la dooranayo Guddoonka Baarlamanaka iyo Madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee ka jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo. Afhayeen Safiina ayaa caddeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey uu […]

- Advertisement -

Afhayeenka Guddiga doorashada heer Federaal Axmed Aadan Safiina oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in haddii kooramka Golaha Shacabka buuxsamo la dooranayo Guddoonka Baarlamanaka iyo Madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee ka jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Afhayeen Safiina ayaa caddeeyay in khilaafka siyaasadeed ee ka jira Garbahaarey uu yahay mid doorashada dalka soo gaarsiiyay halkaan, isla markaana khilaafkaas uu dhowr jeer fashiliyey shirar hore looga hadlaayay doorashada, laguna guuldareystay in la xaliyo.

- Advertisement -

“Runtii caqabadda ka jirta Garbohaareey waa caqabad siyaasadeed, doorashadana waxa halkaa soo gaarsiiyay khilaafka halkaa ka jira waxaad ogeeydeeen shirarkii Dhuusamareeb kow, laba iyo saddex qaarna ay fashilmeen qaarna ay guuleysteen, khilaafka ugu weyna waxa uu ka taagnaa kuraastka lagu soo dooranayo ilaa haddana xal siyaasadeed oo dhameystiran lagama gaarin welina waa lagu kala aragti duwan yahay” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga.

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeen Axmed Safiina in haddii soo buuxsamo kooramka Xildhibaanada oo aan weli xal loo helin caqabada ka jirta Garbahaarey horey looga socon doono arrintaas, isla markaana la qabanayo doorashada Guddoonka iyo tan Madaxweynaha dalka.

Safiina ayaa tibaaxay in haddii madaxda isku haysa xildhibaanadaas oo ay doorashadooda xallin laga gudbayo, Doorashada Soomaaliya ayaa mareysa meel xasaasi ah, iyadoo kuraas badan ka doortay oo qiyaas ahaan gaaraya boqolkiiba konton iyo shan.

Latest stories