HomeWararAkhriso:-Magacyada Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo

Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo jimco ah ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP132 ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Xareed Jibriil, kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo kula tartameysay kursiga, waxaana Cadar […]

- Advertisement -

Doorashada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa Maanta oo jimco ah ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP132 ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Xareed Jibriil, kadib markii ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo kula tartameysay kursiga, waxaana Cadar Xareed loogu coddeeyay Cod gacan taag ah.

- Advertisement -

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#092 ayaa waxaa ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah Cabdullaahi Aadan Ibraahim iyo Musharax Saadaq Cabdullaahi Cabdi, balse inta aysan bilaaban doorashada ayaa waxaa tartanka ka haray Cabdullaahi Aadan.

Ergada doorashada kursiga HOP#092 ayaa cod gacan taag ah ugu coddeeyay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, isla markaana waxaa uu kamid noqday Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#023 ayaa waxaa kusoo baxday oo ku guuleysatay Nasro Mahdi Caraale loo qaaday Codka kalsoonida ee ergada, 100 ergo ayaa gacanta u taagtay, kadib markii tartanka ka tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi.

- Advertisement -

Maamulka Jubbaland ayaa muddo laba todobaad ah hakad geliyay qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona Maanta oo jimco ah dib u bilaabay doorashada Golaha.

Latest stories