HomeWararXildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaano cusub oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya …. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamed iyo Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi, balse waxaa […]

- Advertisement -

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ….

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamed iyo Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi, balse waxaa tartanka ka hartay Shamso Cabdullaahi.

- Advertisement -

Ergada doorashada oo aheyd 101 ergo ayaa Cod gacan taag ah ugu Coddeeyay Mahad Maxamed Salaad inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna helay Mahad Salaad dhammaan codadkii gacan taaga ahaa ee ergada doorashada.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#055 ayaa waxaa kusoo baxay Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tartanka doorashada ka haray Maxamed Saciid Cabdullaahi oo la tartami lahaa Maxamed Xuseen Abuukar.

Doorashada kursiga HOP#035 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Axmed Cabdi iyo Cumar Cali Cabdi oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, balse waxaa doorashada ka haray Cabdullaahi Axmed.

- Advertisement -

Cumar Cali Cabdi ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga HOP#035 ee Golaha Shacabka, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, waxaana sidaas uu ku helay helay 97 Cod oo ah Codadkii ay dhiibteen ergada wax dooraneysay.

Latest stories