HomeWararWiil Soomaali ah oo dhawaan howlo Ganacsi u tegay Koonfur Afrika oo...

Wiil Soomaali ah oo dhawaan howlo Ganacsi u tegay Koonfur Afrika oo la dilay

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay tuulada Khayelitsha gaar ahaan Laanta Town 2 ee Magaalada Cape Town ee dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo bilo kahor halkaas tegay, si uu uga Ganacsado. Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Baashey oo ahaa wiil dhallinyaro […]

- Advertisement -

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay tuulada Khayelitsha gaar ahaan Laanta Town 2 ee Magaalada Cape Town ee dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo bilo kahor halkaas tegay, si uu uga Ganacsado.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Baashey oo ahaa wiil dhallinyaro oo 20 sanno jir ah, waxaana la toogtay, xili uu xiraayay Dukaan uu ka shaqeyn jiray oo ku yaalla Tuulada Khayelitsha ee Koonfur Afrika.

- Advertisement -

Soomaali kale oo ka agdhaweyd goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen in burcada hubeysan ee dishay Muwaadinka aysan wax dhac ah u geysan Dukaankii uu xiraayay Maxamed Baashey, iyagoonta goobta ka baxsaday.

Booliska Koonfur Afrika ayaa mar kasta sheega inay ku raad-joogaan oo ay soo qabanayaan kooxaha hubeysan ee burcada ah, isla markaana dilalka u geysta dhallinyarada Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan Ganacsatada Soomaalida ah loogu geysto dilal kala duwan, boob iyo dhac, mana jirto cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo iska xil-saartay wax ka qabashada dhibaatada lagu haayo Soomaalida.

Latest stories