HomeWararWaddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saaka la diidayo in Lugta lagu...

Waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo saaka la diidayo in Lugta lagu maro

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa saaka oo khamiis ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah Waddooyinka soo gala iyo kuwa […]

- Advertisement -

Waxaa saaka oo khamiis ah xiran inta badan waddooyinka waaweyn Magaalada Muqdisho, waxaana dadka shacabka ay yihiin kuwo lugeeynaya, maadaama aan la ogoleyn in gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan waddooyinkaas xiran.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, waxaana Jidadka xiran kamid ah Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Sidoo kale wadada ayaa ka xiran laga bilaabo Taaladda Daljirka daahsoon illaa Iskuul Bulusiya, waxaana Ciidanka Booliska ay xitaa saaka dadka u diidan yihiin inay lug ku maraan laga bilaabo Isgoyska Ceel-gaabta illaa Dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyadoo ay ku sugan yihiin oo kaliya Ciidamo, xili dadka loo ogolaan jiray in halkaas ay lug ku maraan.

Sababta loo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa ah in Maanta Caasimadda ay ka dhaceyso gaar ahaan Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye doorashada saddex kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii iyada oo xiran waddooyinka qaar ee Muqdisho Qarax Is-miidaamin ah lala beegsaday gaari Bas ah oo ay saarnaayeen ergada doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoo qaraxaas ay waxyeelo kasoo gaartay ergadii lala beegsaday qaraxa.

Latest stories