HomeWararTaliye ka tirsan Ciidanka Hirshabeelle oo ku dhintay Dagaal saaka ka dhacay...

Taliye ka tirsan Ciidanka Hirshabeelle oo ku dhintay Dagaal saaka ka dhacay Baladweyne

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Faah faahino ayaa laga helayaa Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle oo saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida ay dad la hadlay Idaacadda Dalsan u sheegeen, kadib markii Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne lagu […]

- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo kuwa Booliska Maamulka Hirshabeelle oo saakay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, sida ay dad la hadlay Idaacadda Dalsan u sheegeen, kadib markii Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne lagu xiray Boqolaal ruux oo lagu soo qabtay Howlgalo xalay ilaa saaka laga sameeyey Xaafada Buunda-weyn.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidanka Haramcad iyo kuwa Hirshabeelle, waxaana la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Taliyahii Saldhiga Booliska Baladweyne laba Xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duur-jooge.

Dadkii lagu soo qabtay howlgalka ayaa saakay la geeyey Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne, si halkaasi loogu xiro, waxaana xiritaanka dadkaasi ka dhashay inta uu socday iska hor-imaadka uu ku dhintay Taliye Duurdage, sidoo kalena dhaawacyo ay jiraan,

Xiisad u dhexeeyso labada Ciidan ayaa ka taagan saldhiga Booliska Baladweyne, xili Magaaladaas uu ku sugan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo kulamo wada.

Latest stories