HomeWararMahad Salaad oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Mahad Salaad oo mar kale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Date:

Related stories

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kaasi oo ay deegaan doorashadiisa tahay Galmudug. Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamed iyo Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi, balse […]

- Advertisement -

Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kusoo dhammaatay doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kaasi oo ay deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 ayaa waxaa ku tartami lahaa Shamso Cabdullaahi Maxamed iyo Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi, balse waxaa tartanka ka hartay Shamso Cabdullaahi.

- Advertisement -

Ergada doorashada oo aheyd 101 ergo ayaa Cod gacan taag ah ugu Coddeeyay Mahad Maxamed Salaad inuu mar kale noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuuna helay Mahad Salaad dhammaan codadkii gacan taaga ahaa ee ergada doorashada.

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#147 uu kusoo baxay Mahad Maxamed Salaad oo 9-kii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey kuraasi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Kursiga HOP#147 ayaa waxaa Musharaxiintii dooneysay sanadkaan kamid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga Maamulka Gobolkaan Banaadir Cali Cabdi Wardheere Cali Yare oo loo diiday inuu ka dhoofo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Latest stories