HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo Maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta kulan la yeeshay wafdi ka socday Ingiriiska

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi Xildhibaano oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson, kuwaasi oo gaaray Magaalada Hargeysa. Madaxweynuha ayaa waxaa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii Baarlamaanka UK ay dhawaan horgeeyeen dooddii madax-bannaanida loogu raadinayey Somaliland, doodihii cad-caddaa, isaga oo soo dhaweeyey booqashada […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi Xildhibaano oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson, kuwaasi oo gaaray Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuha ayaa waxaa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii Baarlamaanka UK ay dhawaan horgeeyeen dooddii madax-bannaanida loogu raadinayey Somaliland, doodihii cad-caddaa, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay Xildhibaanada ku tageen Magaalada Hargeysa.

- Advertisement -

Sidoo kale madaxweynuha ayaa waxa uu fariin u diray dhammaan Baarlamaanada kale ee caalamku, isla markaana waxaa uu dalbaday inay ku daydaan Baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xiriirta Madax-banaanida ay dooneyso Sonaliland.

Ugu danbayn Madaxweyne Muuse Biixi  Cabdi ayaa waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaariso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa, si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran.

Kulankan waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinaayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Wakiilka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye.

- Advertisement -

Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.

Latest stories